Muuqalkanyar waxaad ka heli doontaan warbixin guud oo ku saabsan waxbarashada khasabka ah. Markaad daawanaysaan waxaad arkidoontaan tusaale ahaan : Maadooyinka waxbarasho ee iskoolka,saacadaha iskoolka iyo waqtiga fasaxyada, wadashaqaynta waalidiinta iyo iskoolka iyo arrimo kale oo muhiim ah oo in la ogaado ay tahay, si, si wanaagsan loogu weheliyo cunuga xiliga waxbarashadiisa.
4-8 sano - Wareegga 1aad
Wareegga 1aad wuxuu socdaa 4 sano,waxaana sida badan dhigta arday da'doodu u dhaxayso 4 ilaa 8 jir. Wuxuu u dhigmaa heerka fasalka kowaad ee dugsiga hoose.
Wuxuu kowaad u furan yahay ardayda 4 sano jirsatay inti ka horraysay 31 bisha toddobaad ee sanadka lagu jiro.
Wareeggan, cunugga waxay u tahay xiriirki kowaad ee dugsiga. Waa marxalad muhiim ah ee xiliga kala wareegga jawiga qoyska iyo kan iskoolka. Wajigan ujeedadiisa gaarka ah waa kor u qaadidda isdhexgalka bulshada ee cunugga, kabidda tarbiyaddi uu ku soo qaatay qoyskiisa iyo la qabshada shaqada iskoolka oo loo marayo xaaladdo kala geddisan, halkaaso barashada ayadooo la ciyaarsiinayo ay kaalinweyn ku leedahay.
8 ilaa 12 jir - Wareegga 2aad
Wareegga 2aad wuxuu soconayaa 4 sano waxaana sida caadiga ah dhigta arday da'doodu u dhaxayso 8 ilaa 12 jir. Wuxuu u dhigmaa heerka labaad ee dugsiga hoose.
Si uu u sii socdo wixi lagu soo bartay wareeggi 1aad, wareegga 2aad wuxuu sii wadayaa helidda aqoon aasaasi ah iyo xirfadaha ku tilmaaman meelaha kala duwan ee manhajka. Ardaygu marba marka ka dambaysa wuu isku sii filnaanayaa, taasoo u oggolaanaysa in uu barto habab cusub oo shaqo iyo in u u raadiyo xalal qof ahaaneed.
Barashada luuqadaha ajnabiga fasallada 5H iyo 7H :
Inta lagu gudo jiro wareeggan, ardaydu waxay bilaabayaan barashada laba luuqadood oo cusub : Af faransiska ama af jarmalka 5H iyo af ingiriiska 7H.
12 ilaa 15 jir - Wareegga 3aad
Wareegga 3aad wuxuu socdaa 3 sano, waxaana sida badan dhigta arday da'doodu u dhaxayso 12 jir iyo 15 jir. Wuxuuna u dhigmaa heerka kowaad dugsiga sare.
Habaynta noocyada fasalka :
Waxaa gaar u ah wareegga 3aad, saddexda nooc ee fasal ee uu u kala habaysan yahay. Marka wareegga 2aad dhamaado, ardayga waxaa lagu jiheeya nooca fasal ee ku habboon kartidiisa iyo xawligiisa wax barasho.
Nidaamka midaysan ee noocyada fasalka, wuxuu ardayda siinayaa jawi iyo qaab waxbarasho oo u oggolaanaya inay helaan aqoonta iyo xirfadaha aasaasiga ah ee dhamaadka iskoolka khasabka ah iyo inay ugu diyaarsanaadaan si tilmaaman waxbarshada ka dambaysa iskoolka khasabka ah.
Ardayda aan buuxin karin shurruudaha aasaasiga ah, ee ay tahay in qaab shaqsi ah loogu dejiyo himilooyin waxbarasho, waxaa loo jihayn karaa dugsiyada qaarkood, fasallo caawin.